Duqeymo dhaliyay khasaare oo ka dhacay wuqooyiga Suuriya
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa ku waramaya in ciidamada Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-asad ay duqeymo xoogan ku garaaceen qeybo kamid ah gobollada wuqoooyiga Suuriya ee xurta ah.
Magaalada Khaan Sheykhuun oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dhaca wuqooyiga dalka ayuu Nidaamku ku garaacay duqeymo xoogan oo xad dhaaf ah, waxaana magaalada kusoo dhacay inkabadan 60 madfac.
Khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey duqeymaha, sida ay sheegayaan kooxaha badbaadada, ee daad gureeya dhaawacyda.
Inta la hubo 8 ruux ayaa dhimatay, oo 6 kamid ah ay dumar iyo caruur yihiin, waxaana duqeymaha ku dhaawacmey ugu yaraan 12 qof.
Maalmahan ayaa Nidaamka Nuseyriyada wuxuu dib u billaabay inuu duqeymo la beegsado deegaannada ka baxsan gacantiisa ee Wuqooyiga Suuriya, halkaas oo ay ka arimiyaan Jamaacaadka Jihaadiga iyo kooxaha mucaaradka.