Faransiiska Oo Xaftar ku taageeraya duulaanka uu ku hayo Triboli.

Waa hotel ay deganyihiin ciidamada Faransiiska.

Dowladda Faransiiska ayaa la ogaaday in si toos ah ay u taageereyso duulaanka malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ay ku qaadeen magaalada caasimadda ah ee Triboli, kaas oo galay todobaadkii sadexaad.

La taliye dhinac milliteriga ah oo katirsan malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar ayaa shaaca ka qaaday in tobanaan askari oo Faransiis ah ay ku suganyihiin dalka Liibiya, kuwaas oo taageero nooc weliba siinaya malleeshiyaadka Xaftar.

Inta badan ciidamada Faransiiska waxay joogaan dekadda As-sidra oo kamid ah meelaha ugu badan ee laga dhoofiyo shidaalka, waxaana howshoodu ay tahay sida uu sheegayo la taliyaha, iney ceelasha shidaalka ka ilaaliyaan weerar ay kusoo qaado xukuumadda Al-Wifaaq.

Waxay sidoo kale howshoodu tahay iney taageero toos ah siiyaan malleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, iyago isuga jira ciidamo ka qeybgalaya dagaalka iyo saraakiil aqoon u leh diyaaradaha iyo cillad bixintooda.

La taliyahan la hadlay warbaahinta oo diiday in magaciisa la baahiyo ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka ay kamid tahay dowladaha taageeraya duulaanka, wuxuuna taageeradooda kusoo koobay arimaha sirdoonka iyo dabagalka.

Dowrka maamulka afgembiga Masar uu ku qaadayo dagaalka hadda ka socda Liibiya, wuxu isaguna ku sheegay inuu yahay in sahay milliteri iyo taageerarada Lojistikada ay siiyaan malleeshiyaadka la magac baxay howlgalka Al-karaama ee uu hogaamiyo Khaliifa Xaftar.

Inkastoo Xaftar uu helayo taageerada dowlado dhowr ah oo kamid ah caalamka, hadana weli kuma guuleysan inuu la wareego gacan ku heynta magaalada Dharaabulis oo ah caasimadda wadanka Liibiya, halkaas oo ay ka arimiso xukuumadda Al-wifaaq ee ay reer galbeedku aqoonsanyihiin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.