Ganacsatada Muqdisho Oo beeniyay hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaare Kheyre.

Qaar kamid ah Ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa beeniyay hadal dhawaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dowladda Xasan Cali Kheyre oo ahaa iney dowladdu guday lacag deyn ah oo lagu lahaa, taas oo gaareysa 100 milyan oo doollar.

Ganacsatada ayaa sheegay iney la yaabeen hadalka kasoo baxay Xasan Cali Kheyre, maadama iyaguba ay dowladda ku leeyihiin lacag gaareysa 10  milyan.

Waxay intaa ku dareen Ganacsatada ineysan jirin wax lacag ah oo ay dowladdu u guday, iyagoona sheegay in hadlakaas ay ka maqleen Warbaahinta.

Halkan ka dhagayso qaar kamid ah Ganacsatada oo Warbaahinta la hadlay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.