Howlgal Qorsheysan khasaarena dhaliyay Oo Baydhbo ka dhacay.
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in magaalada uu ka dhacay howlgal qorsheysan oo lagu dilay askar katirsan ciidamada xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa mid kamid ah xaafadaha Baydhabo ku toogtay askari katirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed, waxaana ay ka qaateen qorigii uu watay.
Intaas kadib waxaa ciidamo katirsan kuwa xabashida Itoobiya ay soo aadeen dhinaca ay rasaasta ka maqleen, iyagoona ku dhacay weerar kamiin ah oo ay u dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goobta ku dilay askari katirssan ciidamada Itoobiya, waxaana markaas kadib ciidamada Itoobiyaanka ay kusoo laabteen halkii ay markii hore ka baxeen.
Reer Baydhabo ayaa aad u hadal haya weerarkan labada askari lagu dilay, waxaana uu kusoo aaday iyadoo maalmihii tagay ciidamada Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka Koonfur-galbeed ay Baydhabo ka wadeen howlgallo lagu sugayo amniga.