Inkabadan 10 Askari Kenyati ah Oo lagu dilay Jubbooyinka.
Qarax xoogan ayaa ciidamada Kenyaatiga lagula eegtay qeybo kamid ah gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo gaarsiiyay waxyeello xoogan.
Waxa uu ka dhacay qaraxa dhinaca xeebta gaar ahaan inta isku xirta Jaziiradaha Raas-kambooni iyo Buur-gaabo,oo kawada tirsan gobolka Jubbada hoose.
Inta la xaqiijiyay 15 askari Kenyaati ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxa, halka ay sidoo kale dhaawacyo soo gaareen 9 askari.
Diyaarado hellecopter ah ayaa kusoo degtay goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta Kenyaatiga.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan khasaaraha ba’an gaarsiiyay ciidamada Kenya.