Kenya: Masuul Xabsi Loo dhigay Musuq maasuq dartii.

Ciidamada Kenya ayaa xabsiga dhigay masuul katirsan dowladda, kaas oo lagu soo eedayay musuq maasuq dhaqaale iyo ku takri fal awoodeed.

Moses Kasaine oo ah gudoomiyaha deegaanka Samburu ee gobolka Greet Rift ayaa xeer ilaalinta dowladda Kenya waxay kusoo eedayeen musuq maasuq hanta badan oo dowladeed, waxaana la dhigay xabsi ku yaala magaalada Nairoobi.

Qoraal xafiiska xeer ilaalinta uu dhigay barta twitterka ayaa lagu sheegay in Moses “uu deegaankiisa ku xiray shirkad bixisa shidaalka, heshiiskaasina uu socday tan iyo 27 bishii Maarso ee sanadkii 2013.

Shirkaddan shidaalka ayaa bixisay lacag gaareysa $827,000 (Sideed boqol iyo 27 kun oo dollar), waxaana lacagtaas faraha badan qeybsaday Moses Kasaine oo ah gudoomiyaha deegaanka Samburu iyo rag kale oo katirsan maamulkiisa.

Masuulkan la xiray ayaa xeer ilaalinta waxay ku eedeyneysaa inuu kala saari kari waayay danihiisa shakhsiga ah iyo howsha dowladda, uuna qaaday tallaabooyin ka hor imaanaya sharciga dowladda Kenya.

Wadanka Kenya waxaa lagu tiriyaa wadamada ugu masuq maasuqa badan qaaradda Africa, waxaana musuqa ku dhaqama madaxda ugu sarreysa dowladda illaa masuulka ugu hooseeya, sida ay qabaan shacabka wadanka Kenya.

Aragti uruurin laga sameeyay Kenya ayaa lagu ogaaday in 82% shacabka Kenya ay aaminsanyihiin in madaxweyne Uhuru Kenyata aanu ku guuleysanin la dagaalanka musuqmaasuqa hareeyay wadankaas.

Kalsooni darro xoog leh ayay shacabka Kenyaatigu ku qabaan masuuliyiintooda, waxaana musuq maasuqa jira uu keenay in shacabka ay la daala dhacaan faqri iyo gaajo, halka dhaqaalaha uu ku koobanyahay koox yar oo ganacsato iyo madax isuga jirta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.