Maamulka Somali-land Oo shirkad Ajnabi ah ku wareejisay keenista Shidaalka.

Muusa Biixi; Hogaamiyaha maamulka Soomaali-land

Maamulka Soomaali-land ee ka arrimiya dhulka wuqooyi galbeed Soomaaliya ayaa soo shirkad ajanabi ah ku wareejiyay shidaal keenista deegaannada uu ka arriimiyo maamulkaas.

Shirkad lagu magacaabo TRAFIGURA oo fadhigeedu yahay magaalada Geneva ayaa la sheegay in lagu wareejiyay mashruuca shidaal keenista, kaas oo laga joojinayo ganacsatada Soomaaliyeed ee markii hore lasoo degi jiray.

Go’aankan waxaa loogu gogol xaaray hadal dhawaan kasoo yeeray wasiirka wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha maamulka Soomaali-land Xassan Sacad “Saajin” kaas oo sheegay in shidaalka la keeno deegaannada uu maamulku ka arrimiyo uu yahay mid wax u dhimayo caafimaadka bulshada.

Shirkaddan shidaal keenista lagu wareejiyay ayaa lagu soo waramayaa in masuuliyiin katirsan maamulka Soomaali-land ay kula heshiiyeen iney saami ku yeeshaan, shirkaduna ay ogolaatay.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dhulka uu ka arimiyo maamulka Soomaali-land ayaa ka biya diiday arinkan, waxayna sheegeen inaaney marnaba raalli ku ahayn in shirkad shisheeye lagu wareejiyo howl ay iyagu qaban karaan.

Sideed sano kahor ayaa shidaal keenista gobollada Wuqooyi galbeed Soomaaliya waxaa gacanta ku hayay shirkad ay Shisheeye leeyihiin oo lagu magacaabo Total, waxaana hadda muuqata in markale la wado qorshe shidaal keenista loogu wareejinayo shirkado Ajnabi ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.