Madaxweynihii hore ee wadanka Peru oo is dilay.
Aalan Garisa oo ah madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Peru ayaa is dilay, kadib markii lagu helay kiisas musuq maasuq, lana go’aamiyay in xabsi loo taxaabo.
Madaxweynaha ayaa gurigiisa waxaa weerar ku qaaday ciidamo katirsan Police-ka, kuwaas oo doonayay iney xiraan, balse markii loogu tagay guriga, ayuu madaxa iska toogtay, taas oo keentay in durba uu geeriyoodo.
Madaxweynaha hadda talada haya ee wadanka Peru oo hadlay ayaa xaqiijiyay in Aalan Garisa uu geeriyooday, islamarkaana isagoo dhaawac ah la dhigay isbitaalka weyn ee ku yaala magaalada caasimadda ah ee Liima.
Aalan Garisa oo labo jeer soo noqday madaxweynaha wadanka Peru, ayaa lagu helay kiis musuq maasuq oo weyn, kaas oo shirkad laga leeyahay dalka Parazil ay ku siisay lacag gaareysa 30 milyan oo doollarka Maraykanka.
Marar badan ayuu beeniyay inuu musuq maasuq ku kacay, balse shirkadda lacagaha siisay ayaa qirtay iney bixisay malaayiin dollar.
Dalka Peru ayaa dhaca koonfurta qaaradda Ameerica, waana wadan yar oo xiriir dhow la leh dalka Parazil.