Masuul katirsanaa Maamulka Hir Shabeelle Oo isku dhiibay Al-Shabaab.

Towbadkeenayaal hore oo Jilib lagu soo bandhigay.

Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa lagu soo bandhigay masuul katirsanaa maamulka Hir Shabeelle ee gobolka Shabeellaha dhexe oo isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Caagane Sheekh Cumar oo ahaa madixii maaliyadda degmada Mahadaay ayaa sheegay inuu garowsaday inuu isaga baxo safka Hir Shabeelle, kadib markii uu xiriir lasoo sameeyey odayaasha dhaqanka ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha dhexe.

Caagane, wuxuu waraysi uu siiyay Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan kaga hadlay waxyaabihii ku dhaliyay inuu kasoo baxo safka Shisheeyaha, iyo waxa uu rabo mustaqbalka dhow.

Sidoo kale waxaa deegaanka Fiidow lagu soo bandhigay askari kasoo baxay safka dowladda, kaas oo isku dhiibay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Askariga isasoo dhiibay wuxuu ahaa darawalkii hore ee gudoomiye ku xigeenka maamulka Hir Shabeelle ugu magacaaban gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana lagu magacaaba Cismaan Aadan Xuseen.

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa aad isu soo tarayay askarta iyo xubnaha katirsan dowladda iyo maamul goboleedyada ee kasoo baxaya safka Shisheeyaha, kuna dhawaaqaya iney kamid noqonayaan dadkooda Soomaaliyeed, iyagoo isku soo dhiibaya maamullada wilaayaadka islaamiga.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan Sarkaalka iyo Askariga isku dhiibay Al-Shabaab

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.