Qarax ciidamada Kenyaatiga Lagula eegtay gobolka NFD.

Wararka naga soo gaaraya gobolka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in qarax culus lala eegtay gaari nooca ciidamada xambaara ah oo ay saarnaayeen ciidamo badan oo katirsan kuwa dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga deegaanka Dabaasiti oo hoostaga degmada Ceel-Waaq ee ay Kenyaatigu gumeysiga ku heystaan, balse deegaanka wuxuu katirsanyahay gobolka Mandheera.

Gaariga la qarxiyay waxa uu noociisu ahaa Mutabiish, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday guud ahaan ciidamadii saarnaa, sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay si buuxda u sheegatay masuuliyadda qaraxan lala eegtay ciidamada Kenyaatiga.

Gobolka NFD waa dhul soomaaliyeed oo ay xoog ku heysato dowladda Kenya, waxaana hadda kahowlgala guutooyin ciidamo ah oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo fuliya weeraro ka dhan ah ciidamada iyo madaxda Kenyaatiga.

 

You might also like
2 Comments
  1. Mumin says

    Waxan layabay xarakada fulisay maxa ulasoo taagan tihiin.weerarada nocan oo kala walaga aamusa.kaliya waxa la dhaha qarax aya lala eegtay ciidama kenya ee ku sugnaa halkas.

  2. Mumin says

    Ma dhah daan raila odinga ka danbeye oo mucaarad ku ah dowlada kenya.meshay ka biyo cabto aad arag tane

Leave A Reply

Your email address will not be published.