Qarax ka dhacay Kismaayo iyo Weerar Lagu qaaday Ambareeso.

Sida ay xaqiijinayaan warar kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in qarax xoogan uu ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo, kaas oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado dhowr ah oo katirsan magaalada Kismaayo ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada lala beegsaday.

Inta haatan la xaqiijiyay 3 askari oo katirsan ciidamada Jubbaland ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday.

Dhinac kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ku qaaday saldhiga ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin deegaanka Ambareeso ee magaalada Baraawe.

Dagaalka oo goordhow soo idlaaday wuxuu ahaa mid culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Weli maynaan helin faafaahin rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha ka dhashey dagaalka ay caawa ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen difaacyada Shisheeyaha ee Ambareeso.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.