Qarax ka dhacay magaalada Jowhar.
Jugta qarax xoogan ayaa saaka laga maqlay qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas uu ka arimiyo maamulka HirShabeelle, kuna suganyihiin ciidamo katirsan Shisheeyaha.
Qaraxa waxaa lala beegsaday ciidamo katirsan kuwa Hir Shabeelle, waxaana gaaray waxyeello isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.
Inta haatan la xaqiijiyay waxaa dhintay 2 askari, halka 3 kalana ay soo gaareen dhaawacyo aad u liita, waxaana lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Jowhar.
Gobolka Shabeellaha dhexe wuxuu kamid yahay gobollada ay ka dhacaan howlgallada ay fuliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah Shisheeyaha iyo dowladda federaalka.