Qarax khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Dhoobley.

Wararka ka imaanaya deegaanka Dhoobley ee dhaca xuduud beenaadka ayaa ku waramaya in qarax khasaare dhaliyay lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka Jubbaland.

Qaraxa wuxuu ka dhacay goob isku imaatin ah oo ay ciidamadu ku qayilaan, waxaana khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac uu gaaray askarta la qarxiyay.

Ilo lagu kalsoonaan karo waxay Al-Furqaan u xaqiijiyeen in qaraxa lagu dilay hal askari, halka saddex kalana ay dhaawacmeen.

Deegaankan ayaa kamid ah goobaha gobollada Jubbooyinka ay ka joogaan ciidamada  shisheeyaha Kenyaatiga, waxaana wehliya kuwa Soomaali ah oo ka amar qaata maamulka ay Kenyaatigu dhiseen ee Jubbaland, uuna hogaamiyo Axmad Madoobe.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.