Qaraxyo Shisheeyaha Lagula Eegtay Shabeellaha-dhexe iyo Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa qaraxyo khasaare dhaliyay lala eegtay ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga wadanka Soomaaliya.

Gaari nooca Tawga ah oo ay saarnaayeen askar katirsan Shisheeyaha ayaa qarax xoogan waxaa lagula eegtay deegaanka Weydow ee nawaaxiga Ex control Afgooye.

Gaariga ayaa gebi ahaanba burburay, waxaana la rumeysanyahay in ciidankii saarnaa ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.

Sidoo kale gaari nooca xamuulka ah oo sahay u siday ciidamada Shisheeyaha ayaa lagu qaraxiyay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxa oo ka dhacay inta u dhexeysa Balcad iyo Qalimow ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga, waxaana gubtay wixii sahay ahaa ee saarnaa gaariga.

Howlgallada ka dhanka ah ciidamada Shisheeyaha ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxaana ay qaraxyadan kusoo aadayaan iyadoo ciidamada  Shisheeyaha isku diyaarinayaan iney isaga baxaan Soomaaliya, sida ay sheegeen madaxda midwoga Africa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.