Saraakiil katirsan Milliteriga Suudaan Oo is casilay.

Milliteriga Suudaan ayaa ku dhawaaqay iney is casileen saraakiil sar sare oo katirsan golaha milliteriga, ee la wareegay talada wadankaas, kadib markii meesha laga saaray madaxweyihii hore Cumar Xasan Al-bashiir.

Saraakiisha is casilay oo tiradoodu gaareyso illaa iyo saddex sarkaal ayaa kala ah Cumar Zeynul Caabidiin oo ahaa madaxa gudiga siyaasadda ee golaha milliteriga, Jalaalu-diin Al-sheykh iyo Shurdhata baakir Al-dhayib.

Dhamaan saraakiisha is casilay waxay kamid ahaayeen dadkii ugu dhawaa madaxweynihii hore ee Suudan Cumar Xasan Al-bashiir, kaas oo 11-kii bishan April ay milliterigu talada xoog uga tuureen, xabsina u taxaabeen.

Is casilaada saraakiisha ayaa timid, iyadoo ururada hor boodayay kacdoonnada looga soo horjeeday Albashiir ay soo jeediyeen shuruud ay kamid tahay in meesha laga saaro saraakiishan, markaas kadibna ay diyaar u yihiin iney la hadlaan golaha milliteriga.

Afhayeenka golaha milliteriga Suudaan Shamsu-diin Kabaashi ayaa shaaca ka qaaday in iyaga iyo kooxaha mucaaradka ay wada fadhiisan doonaan, si loo gaaro xukuumada madani ah oo ka madax banaan milliteriga talada haya.

Milliteriga Suudaan ayaa u muuqanaya mid caqliyad degan ku wajahaya dalabaaka kacdoon wadayaasha, waxaana dad ay muujinayaan cabsi la xiriirta in ugu dambeyn uu milliterigu adeegsado awood iyo maquunin, kuna kaco gabood fallo xanuun leh oo lamid ah kuwii ka dhacay dalka Masar oo Suudaan deris la ah.

Marar badan, waxay reer Suudaan ku hanjabeen iney sii socon doonaan banaanbaxyada, tan iyo inta laga fulinayo dalabaadka shacabka ee ku qotomo in talada loogu dhiibo dad ay iyagu raalli ka yihiin.

Dhawaan ayaa kulan ka dhacay magaalada Al-qaahira ee caasimadda Masar, oo ay yeesheen midowga Africa, waxaa madaxweynaha wadankaas Cabdi-fataax As-siisi wuxuu milliteriga Suudaan usoo jeediyay in fatarada kumeel gaarka ay ka dhigaan saddex bilood, waxaana dad badan ay hadalkaas ku micneeyeen mid muujinaya in Siisi uu faraha kula jiro arimaha dalka Suudaan.

Siisi oo afgembi kula wareegay kursiga madaxtinimada Masar, islamarkaana xasuuqay kumanaan ruux oo shacab ah ayaa reer Suudaan waxay ku eedaynayaan inuu la doonayo dhibaatadii fagaaraha Raaicatal cadawi oo kale.

Dhawaan ayaa wafdi qarsoodi ah oo ka socda dowladaha Masar, Aala-sucuud iyo Imaaraadka carabta waxay booqasho ku yimaadeen magaalada Al-khardhuum ee caasimadda Suudaan, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen saraakiisha milliteriga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.