Saraakiil katirsan Uganda oo Xabsiga la dhigay.

Maxkamadda la dagaalanka musuq maasuqa ee dowladda Uganda ayaa riday xukunno kala duwan oo lagu qaaday saraakiil sar sare oo katirsan dowladda, kuwaas oo lagu helay kiisas wax isdaba marin iyo musuq maasuq hanti dowladeed.

Kulan ay isugu yimaadeen garsoorayaasha maxkamadda oo maalintii shalay ka dhacay magaalada Kampla ee caasimadda Uganda ayaa laga soo saaray xukun ah in xabsiga la dhigo labo sarkaal oo katirsanaa wasaaradda Maaliyadda.

Saraakiisha xabsiga lagu xukumay waxay kala yihiin John Charles iyo Geoforry Turyamuhika, waxaana lagu eedayay iney lunsadeen lacag gaareysa $50.000,sanadkii 2017-ka.

Garsooraha maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukunka ay muteysteen saraakiishan katirsan wasaaradda Maaliyadda, kaas oo ah labo sano oo xarig ah, iyo marka ay soo dhameystaan xabsiga inaaney toban sano oo xiriir ah qaban Karin howl ay leedahay dowladda Uganda.

Lawrence Gidudu oo ah garsooraha xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay uu qeyb ka yahay la dagaalanka musuq-maasuqa, wuxuuna shaaca ka qaaday iney gacan bir ah ku qaban doonaan masuul weliba oo lagu soo eedeeyo inuu musuq maasuq ku kacay , ama ku dhaqaaqay ku takri fal awoodeed.

Maxkamadda la dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka Uganda waxay sidoo kale amartay in qasnadda dowladda lagu celiyo lacagaha ay musuq maasuqeen saraakiisha katirsan wasaaradda Maaliyadda oo gaaraysa $50.000.

Ogol oo 59 sano jir ah, iyo Turyamuhika oo 38 sano jir ah, waxay labadoodaba ahaayeen saraakiil ka shaqeeya qeybta farsmada ee wasaaradda Maaliyadda Uganda, waxaana lacagaha ay lunsadeen ay ka qaateen qof ay u sameeyeen dukumeentiyo aaney wasaaraddu ka war heynin.

Wadamada dhaca qaaradda Africa ayaa inta badan waxaa lagu tilmaamaa iney yihiin wadamo musuq maasuq badan, oo madaxda dowladda iyo saraakiishaba ay lunsadaan hantida dadka shacabka ah.

Qiimeyn la sameeyay sanadkii 2018-ka ayaa lagu sheegay in dowladda Uganda ay kaalinta 16-aad ka gashey wadamada ugu musuq maasuqa badan guud ahaan qaaradda Africa, waxaana dalkan taladiisa gacanta ku haya baaderiga Yuweri Museveni.

Uganda ayaa ku tiirsan dhaqaalaha ay ka hesho dalxiiska, kheyraadka wadanka iyo duulaanka ay ciidamadeeda ku joogaan wadanka Soomaaliya, oo ay Qaramada Midoobay ku siiso malaayiin dollar, waana taas sirta ku jirta in Museveni uu diiday inuu dhimo tirada ciidankiisa jooga Soomaaliya.

Dhimista ciidankiisa Soomaaliya ayaa ka dhigan qarashaadka soo galaya dowladda Uganda oo yaraada, sidaas darteed wuxuu door bidayaa in ciidankiisu ku le’daan keymaha koonfurta Soomaaliya iyo wadooyinka isku xira magaalooyinka muhiimka ah ee ay ciidankiisu duulaanka ku joogaan.

You might also like
1 Comment
  1. Sayfu Diin says

    Dawlada Ugaandha Allaah haduleeyo inta ay gumaadayso Shacabka muslimka Ah ee Soomaaliyeed

    Alfurqaan hooyga xaqa waa idinsalaamay

Leave A Reply

Your email address will not be published.