Sarkaal katirsan Koonfur-Galbeed Oo Baydhabo lagu weeraray.

Qarax ayaa lala beegsaday sarkaal katirsan wasaaradda Garsoorka ee maamulka Koonfur-galbeed, kaas oo marayay qeybo kamid ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sarkaalka ayaa la weeraray isagoo marayay bartamaha magaalada, waxaana lagu magacaabaa Xasan Nuur, iyadoona dad goobjoogayaal ah ay noo  xaqiijiyeen inuu gaaray dhaawac halis ah.

Waxaa la dhigay isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo, halkaas oo lagula tacaalayo xaaladiisa caafimaad.

Dhinac kale, ciidamo kawada tirsan maamulka Koonfur-galbeed ayaa kuwada dagaallamay degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Labo askari oo katirsan dhinacyada dagaallamay ayaa la xaqiijiyay iney dagaalka ku dhinteen.

Koonfur-galbeed ayaa ah maamul si dhow ula shaqeeya ciidamada Xabashida Itoobiya ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.