Sarkaal Lagu Weeraray Magaalada Muqdisho.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in qarax xoogan lala eegtay sarkaal katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka.

Qaraxa waxa uu ka dhacay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, waxaana lala eegtay sarkaal lagu magacaabo Khaliif Shumar.

Darawalkiisa ayaa dhaawac uu soo gaaray, isaguna wuu badbaaday, balse waxaa soo wajahay cabsi iyo walaac xoogan.

Muqdisho waxaa kusiii kordhaya howlgallada lagu ugaarsanayo saraakiisha dowladda federaalka, howlgalkaas oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.