Sawirro:Beesha Tunni oo Caleema saaratay Suldaan.
Beesha Shan-Gamaas oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa degaanka Kuunyobarrow ee gobolka Shabeelaha Hoose ku caleema saaratay Suldaan ay horey u doorteen.
Xafladda caleema saarka oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin, wax garad iyo marti sharaf kale ayaa si aad ah loogu maamuusay Suldaan Aadan Cusmaan Ibraahim.
Waaliga Shabeelaha Hoose Sheekh Abuu Usaama ayaa Qori Ak47 ah gudoonsiiyay Suldaanka isagoo kula dardaarmay inuu si cadaalad ah ugu adeego bulshadiisa.
Suldaanka ayaa madasha ka ballan qaaday inuu kasoo baxayo mas’uuliyadda adag ee la saaray. Sidoo kale culimo iyo wax garad ka hadlay munaasabadda ayaa bogaadiyay Suldaanka, waxayna Alle uga baryeen inuu la garab galo mas’uuliyadda uu qaaday.