Shisheeyaha Oo lagu Weeraray Baay iyo Shabeellaha Hoose.

Duhurnimadii maanta, waxaa ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya lagu weerarya gobollada Baay iyo Shabeellaha hoose oo kamid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Ciidamo katirsan kuwa Xabashida Itoobiya oo marayay duleedka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa lagu weerarya qarax xoogan, kaas oo dhaliyay waxyeello kala duwan.

Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga ay wateen ciidamada Xabashida, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askarta Itoobiyaanka ee qaraxa lagu weeraray.

Sidoo kale, ciidamo katirsan Shisheeyaha oo kasoo baxay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa lagu weeraray qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamada Shisheeyaha oo sahay kasoo qaatay Muqdisho ayaa ku dhacay kamiin culus, iyagoo maraya duleedka deegaanka Ceel-wareegow oo dhaca nawaaxiga magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Kamiinka ayaa isku bedelay dagaal culus, waxaana ciidamda Shisheeyaha gaaray waxyeellooyin kala duwan oo aan faafaahin rasmi ah weli ka helin.

Ciidamada Shisheeyaha ee kamiinka ku dhacay ayaa sahay ciidan u siday ciidamada Shisheeyaha ee jooga Marko iyo Shalambood.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.