Shisheeyaha Oo lagu weeraray Shabeellaha hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro xoogan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka koowaad, waxaa lagu qaaday saldhig ay degmada Afgooye ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in saldhiga ciidamada Uganda ee la weeraray uu ku yaalo xaafadda Buundada weyn ee degmada Afgooye.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ay Shisheeyuhu ku leeyihiin deegaanka Mashallaay ee duleedka degmada Qoryoolay.

Rasaas xoogan iyo qoryaha cul culus ayaa xalay oo idil laga maqlayay goobta ay ku dagaallameen Mujaahidiinta iyo kuwa Shisheeyaha.

Lama hayo khasaaraha nafeed ee ka dhashay labadaas weerar ee Shabeellaha hoose ka dhacay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.