Shisheeyaha Oo lagu Weeraray Siinka-dheer iyo Jubbooyinka.
Ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka ku jooga Soomaaliya ayaa la kulmay weeraro qaraxyo ah oo si isku mid ah ugu beegsaday duleedka Muqdisho iyo gobolka Jubbooyinka.
Qarax xoogan ayaa deegaanka Siinka-dheer waxaa lagula eegtay gaari gaashaman oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan Shisheeyaha, waxaana gaaray jug xoogan, inakstoo la helin khasaarha rasmiga ah.
Sidoo kale gaari nooca Cagafta ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenyaatiga, howshiisana ahayd inuu dhirta ka jarto hareeraha wadada ayaa lagu qarxiyay inta u dhexeysa Kulbiyow iyo Danbalo.
Gaariga cagafta ah ayaa gebi ahaanba la burburiyay, waxaana ku dhintay darawalkii Kenyaatiga ahaa ee kaxeynayay.