Taliyaha Sirdoonka Galmudug Oo Muqdisho Lagu Weeraray.
Qarax xoogan ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay taliyaha Sirdoonka maamulka Galmudug, ninka lagu magacaabo Cabdi-dheere.
Qaraxa ayaa dhacay xilli uu Taliyuhu marayay wadada Makka Al-mukarrama ee ay inta badan isticmaalaan saraakiisha dowladda, Shisheeyaha iyo kuwa maamul goboleedyada.
Cabdi dheere ayaa si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa lagu doonayay in lagu dilo, waxaana gebi ahaanba gubtay gaarigii uu watay.
Waa weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca magaalada Muqdisho, oo mudooyinkii dambe marti gelineysay weeraro joogta ah oo lagu beegsanayo xubnaha dowladda federaalka.