Turkiga Oo lagu Xiray Xubno katirsan Sirdoonka Imaaraadka.

Ciidamada amaanka dowladda Turkiga ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo lagu eedayay iney katirsan yihiin sirdoonka dowladda Imaaraadka carabta.

Labada nin waxaa laga qabtay magaalada Istanbuul ee caasimadda Turkiga, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan iney qirteen iney xubno ka yihiin sirdoonka Imaaraadka carabta.

Saamir Shacbaan oo 44 jir ah iyo Zaki Yuusuf Xasan oo 55 jir ah, waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada amaanka, iyadoona la baarayo howlaha rasmiga ah ee ay ka hayeen wadanka Turkiga.

Xeer ilaalinta Turkiga waxay sheegeysaa in labada nine e la qabtay ay xiriir toos ah la lahaayeen Muxamad Daxlaan oo la shaqeeya Imaaraadka, balse horey u ahaa hogaamiye katirsan xukuumadda Filastiiniyiiinta.

Mid kamid ah labada nin ee la qabtay wuxuu Turkiga soo gaaray maalmo kadib markii la dilay wariye Jamaal Khaashiqji, waxaana la baaraya suurtagalnimada iney kaalin ku lahaayeen howlgalka lagu dilay wariyahaas.

Turkiga ayaa lagu wadaa iney maxkamad soo taagto labada nin, marka ay dhamaadaan baaritaannada lagu hayo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.