Weeraro ka dhacay Gobollada Shabeellaha hoose iyo Hiiraan.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fuliyay howlgallo waaweyn oo ka dhan ah ciidamada dowladda, kuwaas oo geystay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weeraray fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Sabiid ee hoos yimaada Afgooye.

Dagaalka oo ahaa mid culus waxaa uu socday in muda ah, iyadoona markii dambe ay ciidamada Mujaahidiinta kusoo laabteen halkii ay ka duulaan tageen.

Sidoo kale, qarax culus ayaa lala eegtay gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen tobaneeyo askar oo katirsan kuwa dowladda federaalka.

Gaariga qaraxa lagu burburiyay nawaaxiga deegaanka Mareerey, waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday askarta la beegsaday.

Dhinac kale, qarax aad u culus ayaa lala eegtay saraakiil iyo ciidamo katirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qaraxa waxaa uu ku dhacay goob ay ku qayilayeen xubno katirsan dowladda, waxaana durba goobta ku quur baxay gudoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Maxaas iyo dhowr askari.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda howlgalladan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.