Xubin katirsan Sirdoonka Imaaraadka oo is dilay.

Waa laba nin oo ay qabteen ciidamada Amaanka Turkiga.

Warbaahinta Turkiga ayaa baahiyay warar la xiriira inuu is dilay mid kamid ah laba ruux oo dhawaan ay qabteen ciidamada amaanka dowladda Turkiga.

Labada qof ee la qabtay ayay laamaha Amaanka ee Turkiga ku eedayeen iney ahaayeen rag basaas u ahaa dowladda Imaaraadka, kana mid ahaa sirdoonka wadankaas.

Website caan ah oo lagu magacaabo Khabar Turki ayaa shaaca ka qaaday inuu is dilay mid kamid ah labada basaas.

Lama oga sababaha rasmiga ah ee keeney is dilitaankiisa, balse dhawaan ayaa masuul katirsan dowladda Turkiga wuxuu xaqiijiyay in labadoodaba ay qirteen iney u shaqeynayeen sirdoonka dowladda Imaaraadka carabta.

Dowladda Turkiga ayaa baareysay in labadas nin ay kaalin ku lahaayeen dilkii safaaradda Aala-sucuud ee Turkiga loogu geystay wariye Jamaal, kaas oo si xoogan u mucaaradi jiray madaxda qoyska Aala-sucuud.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.