27 Ruux oo ay ku jiraan Masuuliyiin sar sare oo ku dhintay Weerarkii Madaxtooyada.

Xuseen Ceylaabe; wasiirkii hore ee arimaha dibadda.

Faafaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa khasaaraha ka dhashey qarixii weynaa ee Nafhurnimada ahaa, kaas oo barqnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Camaliyadda waxaa lagu beegsaday kolonyo ka koobneyd Xillibaano, saraakiil milliteri iyo ciidamo katirsan dowladda, waxaana inta haatan la xaqiijiyay ku dhintay ugu yaraan 27 ruux.

Dadka dhintay waxaa ku jira wasiirkii hore ee wasaaradda arimaha dibadda dowladda oo lagu magacaabo Xuseen Ceylaabe Faahiye, iyo xubno kale oo aad u muhiim ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgalkan weyn ee dhaliyay khasaaraha culus, kana dhacay afaafka xarunta madaxtooyada.

Waxay kusoo aaday camaliyadan, iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, xaleyna waxay ciidamada dowladda baaritaanno ka sameeyeen xaafado katirsan Muqdisho.

Iyadoo intaas oo oo idil ay jiraan, ayaa hadana waxaa muuqaneysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood u leedahay iney beegsato xarumaha xasaasiga ah ee dowladda federaalka, sida madaxtooyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.