Afartan Ruux oo ku dhintay Dab ka kacay Garoon ku yaala caasimadda Ruushka.

Dab xoogan ayaa qabsaday mid kamid ah diyaaradaha Rakaabka ee shirkadda duulimaadyada dowladda Ruushka, xilli ay fadhisay garoonka weyn ee magaalada caasimadda ah ee Moskow.

Ugu yaraan 41 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dabka qabsaday diyaaradda Ruushka, kaas oo aan la ogeyn waxa rasmiga ah ee dhaliyay.

War kasoo baxay maamulka garoonka diyaaradaha ee Moskow ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay ku wajahneyd mid kamid ah magaalooyinka  Ruushka, balse ay dib usoo laabatay, kadib markii ay soo wajahday cillad dhinaca farsamada ah.

Nooca diyaaradda gubatay ayaa lagu sheegay Sokhawi-100, waxaana bas beelay gebi ahaanteeda, iyadoona ay dhinteen badi rakaabkii saarnaa.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.