Al-kataa’ib Oo baahisay Filim lagu daawan karo Dagaallo ka dhacay Baar-Sanguuni.

Waa xalqada shanaad ee taxanaha silsiladda Waqlud caleyhim, oo kamid ah muuqaallada ay baahiso mu’assasada warbaahineed ee Alkata’aib oo ku hadasha afka Xarakat Ash-shabaabil Mujaahidiin.

Qeybtan waxaa lagu soo bandhigay camaliyaad kala duwan oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen ciiidamada maamulka Jubbaland, daacadana u ah Maraykanka ee difaacyada ku leh deegaanka Baar-sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

Ugu horeyn, waxaa filimka lagu daah furayaa Naftii hure katirsan guutada Istish-haadiyiinta, kaas oo 24-tii Ramadaan ee 1439-kii hijriyada, camaliyad ku beegsaday ciidamada maamulka Jubbaland ee degan Baar-sanguuni.

Yuusuf cumar Cali oo ka dhashey beesha Wacdaan, kuna dhashey magaalada Afgooye ayaa kahor inta aanu aadin howlgalka, wuxuu fariimo muhiim ah ka horjeediyay kaamirada muassasada Alkataa’ib.

Wuxuu ugu baaqay mujaahidiinta iney sabraan, oo ay la sabartaan ciidamada ay dagaalka kula jiraan, isagoo dhanka kale ugu baaqay dadka muslimiinta ah iney ka qeyb qaataan dagaalka JIhaadka ee ka socoda wadanka.

Hadaba hoos ka dhagayso Warbixin ku saabsan filimka Waqlud Caleyhim 5.

Halkan ka dhagayso Warbixin filimka Waqlud caleyhim 5

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.