Al-Shabaab iyo Biyamaal oo gaaray heshiis rasmi ah.(Sawirro)

Nabadoon katirsan beesha Biyamaal oo akhrinaya qodobada lagu heshiiyay.

Kulan ballaaran oo ka dhacay qeybo kamid ah wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose, islamarkaana u dhexeeyay beesha Biyamaal iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa kasoo baxay qodobo muhiim ah oo labada dhinac ay ku heshiiyeen.

Beesha Biyamaal waxay ballanqaaday iney soo qabaneyso dhalinyaro ku abtirsada beesha, kuwaas oo falal amni darro ka waday gudaha Wilaayada, islamarkaana Shisheeyaha ku garab siinaya dagaalka ay kusoo qaadeen Wilaayaadka.

Odaoyaasha beesha Biyamaal ee kulanka soo xaadiray ayaa aad u badnaa, waxaana cadadoodu ay gaareysay kudhawaad 100 oday, iyagoona si muuqata wacad ugu maray iney fulin doonaan qodobada ay kula heshiiyeen Wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose.

Dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa kulanka xaadir ahaa masuuliyiin uu ku jiro waaliga wilaayada Shabeellaha hoose Sheekh Maxamad Abuu Usaama, kaas oo ballanqaaday in Mujaahidiintu fulin doonaan wixii lagu heshiiyay.

Dhagayso War saxaafadeed kasoo baxay kulanka beesha Biyamaal iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo Sawirro laga soo qaaday Xaflad lagu soo xirayay kulanka dhexmaray Xarakada Al-Shabaab iyo Beesha Biyamaal.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.