Al-Shabaab oo cagta mariyay Saldhig ciidan oo ku yaala NFD.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala gudaha dhulka  Soomaaliyeed ee dowladda Kenya ay gumeysato ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen askar katirsan kuwa KDF-ta Kenya.

Weerarka oo ahaa mid aad u culus, una muuqday in in muda ah lasoo qorsheynayay ayaa lagu qaaday saldhig ku yaala inta u dhexeysa magaalada Mandheera iyo deegaanka Al-carabiya.

Dagaal in muda ah socday ayaa goobta ka dhacay, waxaana ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku guuleysteen iney gebi ahaanba la wareegaan saldhiga.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Kenyaatiga, mana jiro wax faafaahin ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa hadal haya weerarkan culus, balse way ka gaabsadeen iney sheegaan khasaaraha gaaray ciidamadooda.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka howlgalaha dhulka Saaxilka iyo NFD, oo ay deegaanno ay deganyihiin dadka Muslimiinta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.