Askar Kenyaati ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay Wajeer.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa weerar ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab shalay ka geysteen dhulka Soomaaliyeed ee ay Kenya gumeysato.

Weerarkan oo lagu qaaday ciidamo Kenyaan ah ayaa waxa uu sababay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasoo ka dhacay degaanka Gumarrey oo hoos taga gobolka Wajeer.

Askarta Kenya oo weerarka lagu kediyay ayaa awoodi waayay iney iska caabbin badan sameeyaan waxaana goobta looga dilay tiro askar ah iyadoo kuwa kale laha dhaawacay. Waxay si halhaleel ah ku qaateen dhaawacyada iyo meydadka walow ay dantu ku khasabtay iney ka cararaan meydka hal askari oo ciidankooda ka tirsan.

Sidoo kale ciidamadan Kenyaanka ah ayaa waxaa laga furtay afar Qori oo kala cayn ah iyo rasaastooda. Qoryahaasi waxay kala yihiin 2 Ak47 ah, 1 M16 ah iyo 1 Rbg ah. Dhaawacyadii ciidamada Kenya oo la geeyay Ceelwaaq iyo degaano kale ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney diyaarado qaadeen oo la aadeen dhanka Nairobi.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan inkastoo Kenya dhankeeda aaney wali hadal rasmi ah ka oran dhacdadan. Ciidamada Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Sahbaab ee ka tallaabay xuduud beenaadka ayaa si firfircooni leh uga hawl gala dhulkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.