Askari Ugandes ah oo toogtay Ciidamo katirsan Shisheeyaha.

Askari katirsan ciidamada Shisheeyaha Uganda ee duulaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa toogtay ciidamo iyo saraakil katirsan kuwa saaxabadiisa ah ee ku wehlinaya duulaanka ay ku joogaan wadankeena.

Dilkan ayaa ka dhacay gudaha xerada Xalane, waxaana geystay askari katirsan ciidamada shisheeyaha gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, isagoona toogtay saddex askari oo uu kujiro taliyihiisa.

Askariga dilka geystay ayaa ugu dambeyn isagana is dilay, waxaana dhacdadan ay noqotay mid aad looga hadal hayo xerada Xalane iyo guud ahaan xeryaha ciidamada Shisheeyaha ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamaada UPDF Uganda Brig Richard Karemire oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhacdada, wuxuuna sheegay iney wadaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa dhaliyay arintan.

“Sababta dhalisay weerarkan weli ma cadda, waxa socda baaritaanno lagu ogaanayo xaqiiqda” ayuu yiri Karemire isagoo la hadlayay warbaahinta wadanka Uganda.

Sida ay sheegeen saraakiisha ugu sarreysa ee ciidamada Shisheeyaha, waxay askarta Shisheeyaha ka cabanayaan xanuuno dhinaca dhimirka ah oo kasoo gaaray dagaallada iyo qaraxyada uga imaanaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Shisheeyaha ayaa mararka qaar loo diidaa fasaxa, waxaana sidoo kale jirta mushaar la’aan baahsan oo soo wajahday, arimahaas oo is biirsadana waa waxa keenaya in ugu dambeyn Askarta Shisheeyaha ay dhexdooda is laayaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.