Banaanbaxyo xoogan oo ka dhacay dalka Uganda.

Shaqaale katirsan Police-ka Uganda ayaa banaanbaxyo ballaaran ka dhigay magaalada Kampla ee caasimadda wadankaas, kuwaas oo ka cabanaya inaan la siin wax mushaaraaad ah.

Banaanbaxyada oo ay ka qeybgaleen kudhawaad 300 oo ruux oo katirsan ciidamada police-ka, gaar ahaan qeybaha raashiinka kariya ayaa saameeyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee caasimadda Kampla.

Shaqaalaha Police-ka ayaa ka cabanaya inaan la siin wax mushaaraad ah, iyaguna taa bedelkeeda ay joojiyeen in wax raashiin ah ay u kariyaan ciidamada, tan iyo inta dowladda ay ka siineyso mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin.

“Waan ka xumahay, anaguna waxaan dooneynaa inaan raashiinka ka jarano ciidamada Police-ka” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka qeyb galayay banaanbaxyada ka dhacay magaalada Kampla ee caasimadda Uganda.

Afhayeen u hadlay police-ka Uganda ayaa sheegay in eeda ugu weyn ee la xiriirta mushaaraadka ay qaadaneyso wasaaradda Maaliyadda, iyaga dhankooda ay dadaali doonaan, isagoona intaa ku daray iney la kulmi doonaan shaqaalah careysan.

Uganda ayaa kamid ah wadamada ugu musq maasuqa badan qaaradda Africa, waxaana musuq maasuqa uu gaaray meesha ugu sarreysa ee dowladda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.