Camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacday Afaafka hore ee Madaxtooyada.

Jugta qarax aad u xoogan ayaa laga maqlay guud ahaan degmooyinka magaalada Muqdisho, taas oo ahayd camaliyad Nafhurnimo oo ka dhacday afaafka xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Camaliyadda waxay beegsatay kolonyo ka kooban masuuliyiin katirsan dowladda federaalka iyo xillibaanno, kuwaas oo doonayay iney galeen xarunta madaxtooyada.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda iyo istaafkooda, ee lala beegsaday camaliyadda Nafhurnimada ah.

Waxay kusoo aaday iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen wadooyinka magaalada Muqdisho, xalayna ay Muqdisho ka socdeen howgallo baaritaanno ah oo ay sameynayeen ciidamada dowladda.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxay, waxaana Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay sii kordhisay weerarada ay ka fulineyso Muqdisho ee ay la beegsaneyso madaxda iyo xubanaha dowladda federaalka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.