Ciidama uu hogaaminayay Maraykanka Oo isaga baxay Bariire.

Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday ciidamo huwan ah oo dhawaan soo gaaray deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhaliyay in ciidamada huwanta ay gebi ahaanba isaga cararaan deegaanka.

Ciidamo Maraykan, Africaan iyo kuwa Bankraft isuga jira oo usoo gurmanayay saaxibadooda ku sugan Bariire ayaa iyagana la kulmay weeraro qaraxyo ah oo geystay khasaare nafeed.

Inkastoo aan si rasmi ah loo heynin khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada huwanta ah, hadana waxay iyagoo jab jiidaya ka baxeen deegaanka Bariire oo lagu xusuusto dagaalkii sanadkii 2017-ka ee lagu dilay inkabadan 100 askari oo kamid ah ciidamada la shaqeeya Maraykanka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.