Ciidamada Itoobiya oo xasuuq ka geystay dhulka Soomaali-galbeed.
Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa xasuuq arxan darro ah oo gilgilay quluubta umadda Soomaaliyeed ka geystay dhulka Soomaali-galbeed.
Wararka ka imaanaya degmada Qabridaharre ee gobolka Qorraxay ayaa tibaaxaya in ciidama Itoobiya ay dileen 7 wiil oo dhalinyaro ah oo xilligaas safrayay.
Gaari uuraal ah oo ay booyad saarneyd, islamarkaana uu kaxeynayay askari Itoobiyan ayaa jiiray moota bajaaj ay wateen dhalinyarada, waxaana markale uu kusoo celiyay gaariga, isagoo dhameystiray wixii horey u dhaawacmey.
Dadka deegaanka oo arinkan ka naxay ayaa sheegay in dhalinyarada dhamaantooda ay dhinteen, islamarkaana jirin wax raalli gelin ah oo ay Itoobiyaanku bixiyeen.
Dhulka Soomaali-galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida ayaa waxaa ka dhaca tacadiyaad joogta ah oo ay la kulmayaan muslimiinta Soomaaliyeed.