Ciidamada Kenya oo lagu weeraray deegaanka Qowqaani ee Jubbooyinka.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Kenyaatigu ku leeyihiin deegaanka Qowqaani ee gobollada Jubbooyinka.

Dagaalka ayaa mid culus, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay ka dagaallameen afaafka hore ee difaacyada ciidamada Kenyaatiga.

Dadka deegaanka waxay warbaahinta u xaqiijiyeen iney maqlayeen jugta rasaasta la is dhaafsanayay, iyo dhawaqa takbiirta ay qaadayeen ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Kenya ee duulaanka ku jooga qeybo kamid ah gobollada Jubbooyinka, waxaana uu qeyb ka yahay dagaalkan silsilado howlgallo ah oo ay fulinayaan bishan Ramadaan ciidamada Mujaahidiinta.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.