Dad ku dhintay Dibad baxyo ka dhacay Suudaan.

Shacabka Suudaan oo weli wada banaanbaxyada ay ku dalbanayaan in talada loogu dhibo dad ay raalli ka yihiin ayaa la kulmaya tacadiyaad uga imaanaya ciidamada milliteriga.

Banaanbaxyo shalay ka dhacay magaalada Al-khardhuum ee caasimadda Suudaan ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dad shacab ah, kadib markii ciidamadu ay rasaas la dheceen.

Kooxaha isbedel doonka ah ee hogaaminayay shacabka banaanbaxyada wada ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in rasaasta ay rideen ciidamada ay ku dhinteen 5 ruux, kuna dhaawacmeen 15 kale.

Waxay bayaankooda sii raaciyeen dalab ah in gacanta lagu soo dhigo ciidankii ka dambeeyay falka ay dadka shacabka ah ku dhinteen, iyagoona milliteriga ugu baaqay inay waajib ku tahay ilaalinta shacabka.

Dhinac kale bayaan kaas lamid ah oo kasoo baxay golaha milliteriga ayaa lagu sheegay in ciidamada aysan ka dambeyn wixii dhacay, iyagoo intaa ku daray in kooxo ay ugu yeereen kuwa si qarsoodi ah kusoo galay safka dadka dibad baxyada dhigayay ay ka dambeeyeen dilka dadka.

Arintan ayaa u muuqata mid golaha milliterigu kaga cararayo inuu ku qaato masuuliyadda dadka ay ciidamadiisu laayeen,

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.