Dagaal Askar lagu dilay Oo ka dhacay degmada Waajid ee Bakool.

Dagaalyahanno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ballaaran ku qaaday saldhigyo ay magaalada Waajid ee gobolka Bakool ku leeyihiin ciidamada maamulka Koonfur-galbeed.

Dagaalka oo in muda ah qaatay, islamarkaana dhaliyay khasaare gaaray askarta ciidamada Itoobiya ku wehlisa Waajid ayaa waxaa sidoo kale lagu furtay hub ciidan.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in dagaalkaas lagu dilay 5 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur-galbeed, iyadoona laga furtay 5 qori oo nooca AK47 ah.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dib uga soo gurtay goobihii lagu dagaallamay, kadib markii ay gaareen hadafkii duulaankooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.