Dagaal Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Garbahaarrey.

Dagaal culus ayaa duleedka degmada Garbaaharrey ee xarunta gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaal kedis ah ku qaaday ciidamo katirsan kuwa Jubbaland oo soo aaday duleedka Garbaaharrey, si ay dhac ugu geystaan gawaarida safarka ah ee mara halkaas.

Dagaal in muda ah socday kadib, waxaana ciidamada maamulka Jubbaland lagu qasbay iney cararaan, iyagoona goobta lagu dagaallamay kaga tagay meydadka ugu yaraan 3 askari.

Ciidamada Soomaalida ee la shaqeeya Shisheeyaha ayaa caan ku ah dhaca iyo baarashada ay u geystaan dadka shacabk ah, waxaana ciidamada Xarakada Al-Shabaab howlgallada ay fuliyaan kamid ah kuwa burcad sifeyn ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.