Dagaal Caawa Ka Dhacay Bariire.

Askarta Al-Shabaab

Ciidamada Milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa caawa Salaadii Maqrib kadib weerar ku ekeeyay ciidamada shisheeye iyo kuwa DF ee hetsta degaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Degaanada u dhow Bariire ayaa waxaa si aad ah looga maqlayay dhawaqa hubkii la isku adeegsanayay.

Ciidamada shisheeye ayaa u muuqday kuwa si aan loo meel dayin u ridaya madaafiicda iyo rasaasta xilli ay dhufeysyadooda godadka ah ku jireen, halka ciidanka weerarka qaaday ee Al-Shabaab ay beegsanayeen dhufeysyada iyo teendhooyinka, sida aan xogta ku helnay.

Maadaama xilligu habeen ahaa waxaan la ogeyn inta uu la eg yahay khasaaraha dagaalkan ka dhashay. Bariire ayaa kamid ah degaanada caanka ku noqday dagaalada, waxaa si aad ah loo xusuustaa dagaal soo afjarid ah oo sannad ka hor halkaa ka dhacay islamarkaana lagu dilay askar badan oo dowladda ka tirsan hub iyo gaadiid badanna lagala wareegay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.