Dagaal lagu qaaday Xabashida heysta Baardheere.

Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisimaha ciidamada xabashida Itoobiya ay ku leeyihin degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka oo ahaa mid culus, in muda ahna socday, waxaa si toos ah isku fara saaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa Itoobiya oo saldhigyo ku leh qeybo kamid ah magaalada Baardheere.

Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen iney maqlayeen rasaas xoogan oo la is dhaafsanayay, iyo sidoo kale takbiirta ay qaadayeen ciidamada Mujaahidiinta.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray ciidamada Xabashida Itoobiya, waxaana weerarkan uu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan dagaal ka dhacay duleedka Garbaaharrey lagu dilay ciidamo Itoobiyaan.

Ugu yaraan 2 askari oo Itoobiyaan ah, halka tiro kalana ay dhaawaceen, kadib markii ciidamada Itoobiya ay isku dayeen iney usoo gurmadaan ciidamo katirsan kuwa Jubbaland oo uu dagaal qabsaday.

Dhanka Askarta Jubblanad waxaa dagaalkii duleedka Garbahaarrey looga dilay 7 askari, oo uu ku jiro taliyihii sirdoonka degmada oo lagu magacaabo Siyaad Caga laab oo kamid ahaa saraakiishii Xabashida kusoo  hogaamisay Gedo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.