Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Marko.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyada Shisheeyaha iyo kuwa ciidamada dowladda ay ku leeyihiin magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaallada oo dhowr jiho ay ka qaadeen ciidamada Mujaahidiinta ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dagaalka jugtiisa laga maqlayay xaafadaha Marko.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa dowladda ku gaaray dagaalkii xalay ka dhacay Marko, hadana waxay goobjoogayaasha sheegayaan in dagaalku ahaa mid aad u culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaaba ayaa sii laba jibaartey weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada Shisheeyaha iyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha hoose.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.