Dagaallo ba’an oo ka socda dalka Itoobiya.

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa ku waramaya in dagaallo xoogan ay ka dhacayaan qeybo kamid ah gobollada ay degaan Amxaarada, kuwaas oo u dhexeeya qowmiyado dega wadankaas.

Dagaallo dhacay maalintii shalay oo Jimco ahayd ayaa dhaliyay dhimashada tobanaan ruux oo kamid ah dhinacda qowmiyadaha ku dagaallamaya Itoobiya , dagalkaas oo xoogiisa ka socda deegaannada ay degaan Amxaarada.

Masuul katirsan maamulka gobolka Binishanquul ee wadanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday iney socdaan baaritaanno lagu raadinayo meydadka iyo dhaawacda dad lagu xasuuqey deegaanno hoosyimaada magaalada madaxda gobolka.

Isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayuu shaaca ka qaaday masuulakn in waxyeellada dhimashada iyo dhaawaca ay gaareyso ugu yaraan 80 ruux, ayna jiraan dad farakutiris ah oo badbaaday kadib markii ay isku soo xireen iskuul maxalli ah.

Kooxaha weerarka soo qaaday oo katirsan qowmiyadda Amxaarada ayaa sidoo kale dab ku daaray guryo ay degnaayeen dad shacab ah, taas oo aan la ogeyn kahsaaraha ka dhashey.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa kusii xoogeysanaya weerarada iyo dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo TIgreega ah, kuwaas oo uu dagaalkkooda sii kordhay wixii ka dambeeyay markii uu talada dalkaas la wareegay Abey Axmed.

Itoobiya waxay ciidamo ka joogaan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya, waxaana ciidamadeeda ay ku kacayaan gabood fallo xanuun badan oo ay adagtahay in la Iloobiya.

Balse iyadoo ay saas tahay, hadana waxay ciidamada Itoobiya la kulmeen iska caabin adag oo uga timid Xarakat Ashabaabil Mujaahidiin oo taageero ka heleysa shacabka soomaaliyeed, waxaana weeraradii ugu cuslaa ee ay la kulantay kamid ah kamiinkii Jameeco ee sanadkii 2015-ka, kaas oo cagta lagu mariyay kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Waxaa sidoo kale kamid ah weerar ka dhacaya inta u dhexeya Buurhakaba iyo Baydhabo horaantii sanadkan 2019-ka, kaas oo ciidamada Itoobiya lagu gaarsiiyay jab culus, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna waxay sheegtay in weerarkaas uu jawaab u ahaa heshiiskii madaxweynaha dowladda Maxamad Farmaajo uu raiisul wasaaraha Itoobiya ku siiiyay afar dekadood oo kamid ah dekadaha dalka Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.