DHEGEYSO: SIDEE LOO ARKAA BAHDILKA KENYA U GEYSATAY DOWLADDA FEDERAALKA AH?
xubno ka tirsan dowladda federaalka ah ayaa shalay dib loogu soo celshay magaalada muqdisho kadib markii dowladda kenya u diiday in ay gudaha u galaan magaalada nayroobi oo ay qorshaynayeen in ay shir ka dhacaya ka qayb galaan.
wasiir xigeen iyo labo xildhibaan ayaa habeen hore ku hoyday garoonka nayroobi waxayna iyagoo hadafkoodu ku hungoobay iminka joogaan muqdisho.
dadka sooamaliyeed ayaa si weyn u hadal haya bahdilka kenya u geysatay dowladda federaalka ah.
waxay qaarkood sheegayaan in maamulka meesha ka jooga (dowladda federaalka ah) kenya aanaya sidii dowlad ula dhaqmeyn oo ay wax liita ka aaminsan tahay.
Halkaan ka dhegeyso wareysi ku saabsan bahdilka dowladda federaalka ah loo geystay