Dilal iyo Qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo duleedkeeda ka dhacay howlgallo kala duwan oo isuga jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo xoogan.

Sarkaal lagu magacaabo Nuur Cashara oo kamid ahaa ciidamada Ps-ta ama sirdoonka ayaa lagu soo waramayaa in rag hubeysan ay ku toogteen qeybo kamid ah degmada Dayniile.

Sarkaalka ayaa dhowr xabadood waxaa lagaga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, isagoo ku sugan xaafadda Barwaaqo ee Gubta, waxaana ragga dilka geystay ay si nabad ah kaga tageen goobta.

Sidoo kale ergey wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed ayaa lagu dilay xaafadda Suuq-liif ee degmada Dharkeenlay.

Askari katirsan ciidamada Police-ka ayaa sidoo kale lagu toogtay suuqa weyn ee Bakaaraha, halka la dhaawacay mid kale, raggii howlgalka fuliyeyna goobta ayay ka baxsadeen.

Ugu dambeyn, qarax xoogan ayaa lala eegtay gaari cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askar katirsan ciidamada dowladda, kaas oo marayay meel u dhow xaafadda Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

3 askari oo kamid ahaa ciidamada saarnaa gaariga ayaa la xaqiijiyay iney dhinteen, halka 8 kalena ay dhaawacmeen, gaarigana waxaa gaaray burbur xoog leh.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.