Dilal qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa fuliyay weeraro qorsheysan oo lagu dilay xubno muhiim u ah dowladda federaalka.

Xaafadda Kaawa Godey ee degmada Wadajir ayaa lagu toogtay askari magaciisa lagu sheegay Madaxeey oo katirsnaa ciidamada PS-ta dowladda federaalka.

Askarigan ayaa ahaa mid aad u dhib badan, oo ay ka sheegteen bulshada, waxaana dilkiisa aad usoo dhaweeyey dadkii uu dhibi jiray.

Dhinac kale, suuqa weyn ee Bakaaraha waxaa lagu dilay ergay wax kasoo xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Rag hubeysan ayaa toogtay Maxamed Abuukar, waxaana ay goobta uga tageen si nabad geliyo ah.

Arintan ayaa kusoo aaday, iyadoo maalintii shalay suuqa bakaaraha lagu dilay askari katirsan ciidamada Police-ka dowladda federaalka, mid kalana waa lagu dhaawacay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii kordhisay weerarada ay ka fulineyso magaalada Muqdisho, gaar ahaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo xubnaha dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.