Duqeymo ka dhacay Jiidda Qazza ee dhulka Filastiin.

Wararka ka imaanaya wadanka Filastiin ee kujira gumeysiga Yahuudda ayaa ku waramaya in xalay iyo shalay uu dalkaas marti geliyay duqeymo xoogan oo ay fulinayaan diyaaradaha maamulka Yahuudda.
Duqeymahan oo ay geysanayeen diyaaradaha Yahuudda ayaa ka dhacay Jiidda Qazza iyo deegaannada hoostaga, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaray dadka shacabka ah.
Sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Jiidda Qazza ugu yaraan 7 ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan dumar iyo caruur ayaa ku geeriyooday duqeymahan ay geysteen Yahuudda.
Todobada ruux ee geeriyooday waxaa kamid ah hooyo uur leh iyo gabar ay dhashey oo hal sano jir ah, waxaana arintan ay muujineysaa sida Yahuudu u kala sooceynin dadka marrasta ah.
Kooxaha Muqaawamada oo ka jawaabaya duqeymahan ay Yahuudu geysteen ayaa sawaariikh ku garaacay magaalooyinka ay xooga ku heystaan Yahuudda ee u dhow Jiidda Qazza.
Tobanaan gantaal oo laga tuuray Qazza ayaa ku hoobtay deegaannada ay Yahuudu xooga ku deganyihiin, lamana helin faafaahin ku aadan khasaaraha ka dhashey.