Faafaahin: Xillibaano iyo Saraakiil dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qaraxa Madaxtooyada.

Faafaahin ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey weerarka Nafhurnimo ee ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada, kaas oo lagu beegsaday saraakiil iyo xillibaano katirsan dowladda.

Saraakiisha ku dhintay waxaa kamid ah haweeney lagu magacaabo Faay Cali Raage oo kamid ahayd saraakiisha milliteriga dowladda, waxaana la dhintay dhowr kamid ah istaafkeeda oo uu ku jiro ninkeeda.

Waxaa sidoo kale Camaliyadda ku dhaawacmey xillibaano katirsan baarlamaanka dowladda, oo ay kamid yihiin xillibaan Xasan Shabeel iyo xillibaanad Zaynab.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee camaliyadan ayaa marba marka ka dambeysa isasoo taraya, waxaana masuuliyadiisa sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.